Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Daawo Sawirada: Xuutiyiinta oo soo bandhigtay khasaarihii ay gaarsiiyeen ciidanka Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa soo bandhigtay khasaaraha ay ciidamada Sacuudiga ku gaarsiiyeen weerar xoogan ay ku qaadeen xero milatariga Sacuudiga ku lahaayeen xadka Sacuudiga iyo Yemen.

Warbaahinta taageerta kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa baahiyay Muuqaalka iyo sawirada weerarkii ay ku qaadeen xerada ciidanka milatariga Sacuudiga, waxa ayna soo bandhigeen sawirada askar ay dileen kuwa ay qafaasheen iyo hub ay qabsadeen.

Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa Warbaahinta u sheegay weerarka ay ku qaadeen saldhiga Sacuudiga ku dileen in ka badan 200-askari sidoo kale nolosha ku qabteen kumanaan askari oo kale.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Xuutiyiinta in ciidamo badan ku qasbeen in ay xadka Sacuudiga ka gudbaan kadib weerar ay u adeegsadeen madaafiic iyo diyaarado ay ku qaadeen xerada ciidanka .

Sacuudiga ayaan wali si rasmi ah uga hadlin khasaaraha badan ee kasoo gaaray weerarka kooxda Xuutiyiinta, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa uu Sacuudiga kala kulmo dagaalka Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland: “Argagxiso ay Puntland la socoto ayaa saaka mar kale na soo weeraray”

Caydiid Ali

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka “World Governments Summit” (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad ka tirsan Yurub oo loo magacaabay golihii Wasiirada ee ugu yaabka badnaa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---