Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia War ka soo saartay Ciise Tarabuun & sida looga sii daayey xabsiga (Akhriso)

Dowlada federaalka Somalia ayaa caawa War ka soo saartay sida xabsiga looga sii daayey ugana dhoofay garoonka Aadan cadde Ciise tarabuun oo horey loo sheegay inuu ahaa madaxa amniyaatka Al-shabaab.

Warkan ayaa yimid ka dib markii dowlada Kenya ay xalay sheegtay inuu dalkeeda soo galay madaxii amniyaatka Al-shabaab, ayna baadi goobeyso sidii ay u soo xiri laheyd.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay wasaarada warfaafinta Somalia ayaa lagu sheegay in Ciise tarabuun uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhameystay xukun Maxkamadeed.

Ciise Tarabuun ayaa la sheegay in labo jeer  Hay’adaha Ammaanku soo xireen, sababo la xiriira in looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay Argagixiso, taasoo aan loo helin cadeymo ku filan sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan sirdoonka Somalia

Talaadadii ayuu Muqdisho ka dhoofay Ciise sida la sheegay, iyadoo ka hor inta uusan dhoofin ay ehelkiisu keeneen Ticket ka uu ku baxayay, Baasaboorkiisa iyo Xog la xiriirta halka uu u socdo iyo sababta, taasna markii ay ku qanceen Hay’adaha Cadaaladda oo u fasaxeen inuu safri karo.

Eheladda Ciise waxay sheegeen in Wiilkoodu ay uga masaafuriyeen dalka si aan loogu arkin in khatar ku yahay amniga, maadaama dhowr mar la xiray, waxayna dowladda Somalia waydiisanayaan inay illaaliso Xuquuqda Muwaadinkaas meel kasta oo uu joogo.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeed oo dhameystiran

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aabihii Taalibaan Maulana sami Al Xaq oo gurigiisa lagu dhax dilay

Cabdi Cade

Markab laga leeyahay Israiil oo gacanta u galay burcad badeed Soomaali ah

Caydiid Ali

Adan Madoobe & wafdigiisa oo gaaray Baqdaad & Xog ku aadan ujeedka safarkooda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---