Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo shaaciyey iney qabteen kumanaan ka tirsan ciidamada Sacuudiga

Kooxda shiicada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen kumanaan ka tirsan ciidamada Sacuudiga ka dib markii ay weerar xooggan ku qaadeen goob u dhow xadka  labada dal.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in saddex guuto oo ka tirsan ciidamada Sacuudiga ay is dhiibeen ka dib markii ay go’doomiyeen goobihii ay joogeen.

Waxa uu sheegay in kumanaan ciidan la qabtay qaar kalena lagu dilay iska horimaadyo ka dhacay xadka, balse saraakiisha Sacuudiga weli kama hadlin sheegashada Xuuthiyiinta.

”Howlgalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa oo nooociisa ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo”, ayuu yiri afhayeenka oo intaas ku daray  in ciidamada la qabtay ay ka soo muuqan doonaan Telefishinka Al Masirah ee ay maamulaan Xuutiyiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Puntlanad oo u codeeyay wax ka bedelka Dastuurka ee khilaafka abuuray

Cabdi Cade

Haweeney Doolsho si anshax daro ah u sameesay oo la xiray iyo Hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Soomaaliya oo dhaqaale ugu deeqay dhismaha garoonka Caabudwaaq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---