Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jeneraal ilaalo gaar ah u ahaa Boqorka Sacuudiga oo toogasho lagu dilay (Sawirro)

Sarkaal ilaalo gaara u ahaa Boqorka Sacuudiga ayaa lagu dilay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Jen. C/casiis Alfagam ayaa warbaahinta Sacuudiga ay sheegtay in dilkiisa uu yimid kadib markii uu muran dhex maray nin ay saaxiibo ahaayeen, wuxuuna ka dhacay Guri ku yaalla magaalada Jiddah, iyadoo markaasi kadibna ay ciidamada amniga toogteen ninkii dilka geystay.

Jeneraal C/casiis Alfagam ayaa ilaalo gaara oo shaqsi ah u ahaa Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis, isagoo aan marna ka hari jirin boqorka, waxaana dilkiisa ka dhashay dood badan oo ku saabsan qaabka uu nin kale ugu dilay guriga saaxiibkiis, iyo sababta ay ciidamada amniga ugu sugnaayeen gurigaasi.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in Jeneraalka oo dhaawac halis ah soo gaaray loo qaaday Isbitalka Boqor Feysal, halkaasoo uu ku dhintay daqiiqado kadib, Waxaana dhacdadan aad looga hadal hayaa dalka sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka beelihii ku dagaalamay Luuq oo goob la iskugu keenay

Caydiid Ali

Xaaf oo mar kale shaaciyay in Dowlada Federaalka dagaal adag kula jirto maamulkiisa

Cabdi Cade

Xaafad hal waddo dhinacyadeeda looga nool yahay oo dad badan soo jiidatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---