Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa saaka qarax lagula eegtay agagaarka Isgoyska SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la geliyey ayaa la sheegay inuu dhacay xili ciidamada AMISOM ay marayeen inta u dhexeysa isgoyska SOS iyo xaafada Suuqa xoolaha oo aan wax badan kala fogeyn.
Goob-joogayaal ayaa ku waramaya in qaraxa ka dib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xooggan oo muddo kooban socotay, taasoo sababtay in laga kala cararo wadada SOS.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo rasaasta ka dambeysay ee ay fureen ciidamada AMISOM, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada AMISOM ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxan.
Xaalada ayaa degan hadda, waxaana dib u furantay wadada SOS oo muddo kooban u xirneyd qaraxa iyo tacshiirada ka dhacday oo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Ciidamada AMISOM ayaa mararka qaarkood weeraro u badan qaraxyo miino lagula eegtaa wadada isku xirta Ex-kontrol Balcad, SOS illaa suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com