Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqolaal dhalinyaro ah oo lagu xirxiray xabsiyada Magaalada Jigjiga (Sawirro)

Taliyeyaasha ciidamada amaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in hawlgalo ay ciidamada ka fuliyeen xaafado ka mid ah magaalada Jigjiga lagu soo xiray xiray 480 dhalinyaro ah oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin kooxaha abaabulan ee loo yaqaano (Jayna Guruub), kuwaasoo falal amni darro ah ka waday qayb ka mid ah caasimada xiliyada habeenkii.

Gaashaanle sare Deeq Carab Ibraahim madaxa ka hortaga dambiyada ciidanka Booliska DDS, ayaa u xaqiijiyay SRTV, inay ciidamadu ka duulayeen xog buuxda oo ay hayeen markii ay qaadayeen hawlgalkan, waxaana uu Gaashaanluhu inta ku daray, in dhalinta la soo xiray badankoodu ay ahaayeen kuwo marar hore oo kala gadisan la soo xiray arintan kooxaysiga ah, isagoo xusay iney baaritaan dheeri ah ku samayn doonaan dhalintan

Dhalinyaradan ayaa markii dambe la sheegay in loo gudbiyay Magaalada Godey, halkaasoo lagu siin doono dhaqancelin.

Dhinaca kale, laamaha ammaanka Jigjiga ayaa sheegay inay ku daba jiraan goobaha lagu iibiyo xashiishada, taaasoo ka mid ah dhibaatooyinka waayadan dambe ku soo kordhay magaaloyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan Kumaandooska Somaaliya oo tababar loo soo xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo: Wararkii ugu danbeeyay Dhuusamareeb & Ninkii weeraray Goobtii Mingiska oo..

admin

Xildhibaan si weyn u taageersanaa Xukuumada Kheyre oo Mucaarad isku bedelay Hanjabaadna hawada u…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---