Shirweynaha QM oo ah madasha ugu weyn diblomaasiyadda caalamka, ayaa September 24, 2019 si rasmi ah uga furmay magaaladda New York. Shirka waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka kala socoda ilaa 193 waddan oo xubno ka ah golaha iyo marti sharaf ka timid daafaha dunida.
Ma aha markii ugu horeysay ee madax Soomaaliyeed ka qaybgasho shirweynaha QM, hase yeeshee, madashaan waxay kaga duwan tahay kuwii ka horreyay, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu la hortegay dunida – hoggaan ku raad joogta siyaasad xasilloon, Soomaali hiigsanaysa horumar dhaqaale, u baahan taakuleyn amni iyo iskaashi caalami ah.
Shir sanadeedka waxaa dib loogu eegi doonaa yolalkii caalamiga ahaa ee la isku raacay 2015kii ee la xiriiray “Dib-u- xoojinta dadaallada wadajirka ah ee dabargoynta saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”
Kulanku wuxuu kusoo beegmay, xilli dunida walwal ka hayo xiisadaha ka ololsan Bariga Dhexe iyo midda fog, taas oo ay dheer tahay khilaafaadka kacsan ee Kashmir ee u dhaxaya India iyo Pakistan, burburka wadahadalada Mareykanka iyo Taliban, dhul balaarsiga Israa’iil, dagaalka lagu hoogay ee Yemen, iyo burburinta midnimada ummadda Soomaaliya.
Intaas waxaa dheer, in Maraykanka iyo Shiinahu isku hayaan dagaal ganacsi oo saameyn ku yeeshay dunida inteeda kale, halka dalka Ingiriisku uu la jahawareersan yahay Brexit. Haddana, qof kasta wuxuu ka hadlayay wax ka qabadka cimilada marka laga reebo Washington.
Dhanka kale, goobta waxaa ka socoto diblomaasiyad fara badan. Dadka qaarkii ayaa ka walwalsanaa habka wafdiga Kenya iyo kan Soomaaliya, oo in muddo ah wajigabax dhexyaalay, ay u kulmi doonaan. Hase yeeshee, arrintaas waxaa fududeyay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdifataax Al Siisi, oo haatan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Madax badan ayaa ku dadaalaysa sidii ay u meelmari lahaayeen ajendayaashooda, inkastoo shirka laga sugayo xoojinta siyaasad fursad shaqo u abuurto dhallinyarada, xalliso colaadaha iyo khilaafaadka halista ah ee caalamka, kobciso dhaqaalaha, ilaaliso xuquuqda aadanaha, mideysana dadaallada lagu wajahayo dhimista saboolnimada.
Shirkii saddex geesoodka ahaa ee September 24, 2019 uu qaban qaabiyay Madaxweyne Cabdifataax Al Siisi ee dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa is faham leh ku dhammaaday.
Hase yeeshee, tuhun wuxuu ka dhashay qoraal ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya, Marwo Monica Juma soo dhigtay barteeda twitterka oo ay ku tiri “Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan;” (VOA – September 26, 2019).
Walow la saadaalinayey in Kenya, oo kaashanaysa madaxda dalalka Koonfur Afrika, ay duulaan dibloomaasiyad ku soo qaadi doonto Soomaaliya, si loo oggolaysiiyo inay dib uga soo laabto dacwada, haddana Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad oo la hadlay idaacadda VOAda ayaa sheegay in dowladda Kenya ay soo weydiisatay Mudane Al-Siisi inuu la kulansiiyo Soomaaliya.
Cabdalla Jaylaani oo wax ka qora siyaasadda gobolka ayaa aaminsan “in ujeeddada Kenya heshiiska ka leedahay ay tahay, (1) inay tusto maxkamada ICJ sawir qaldan, (2) in Soomaaliya aysan weydiisan Golaha Ammanka QM in laga qaado ciidamada Kenya mas’uuliyadda nabad ilaalinta dalka, iyo (3) inaysan lumin maareynta Jubbooyinka si danaheeda ugu ilaalsato.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo qorshahaas ka duulaya ayaa madaxda iskugu timid shirweynaha QM u sheegay inuu dadaal lixaad leh ugu jiro sidii muranka xuduudda badda ee dalkiisa kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wadahadal. Khubarada siyaasadda Geeska Afrika gorfeeya ayay u muuqata in Kenya ay lug u laaban tahay.
Warar xog’ogaal ah ayaa sheegay, in Kenya la soo xiriirtay Madaxtooyadda Soomaaliya si toos ah inta aysan soo helin Mudane Al-Siisi, balse Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo la taliyeyaashiisu waxay diideen in Kenya ay la yeeshaan wadahal toos ah, ilaa ay ka oggolaato in garta maxkamadda ICJ loo daayo.
Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Mudane Uhuru Kenyatta kaga dambeyay khudbad ayaa yiri “Soomaaliya maadaama ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda Caalamiga ah, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka” (Sonna – September 27, 2019).
Diblomaasiyaddu ma aha hawl ku kooban dowlad-ka-dawlad, hoggaamiyayaasha iyo danjireyaasha waxay leeyihiin door muhiim. Waxaan laga maarmaarmaan ah in had iyo jeer heegan loo yahay la kulanka cid aad dan ka leedahay iyo mid aadan ka lahaynba.
Sida muuqata, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo bedelay khudbadiisii asalka ahayd, waxuu isticmaalay istrateejiyad uu ku muujinayo xaqiiqda diblumaasiyadda Uhuru Kenyatta la daba joogo Soomaaliya, markii uu caalamka tusay inuu ka been sheegay is fahamkii New York.
Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka, waxay rumaysan yihiin in madaxda Kenya sii wadi doonaan dadaalkoodda ku aadan inay Soomaaliya ku qanciyaan in kiiska badda lagu xalliyo maxkamadda la’aan. Balse, Kenya waxaysan weli ma fahmin dhaqanka iyo dareenka dadka Soomaaliyeed, marka ay timaado wadaniyadda.
War iyo dhammaantiis, inta cududda Soomaali ay qaybsan tahay, waxaa shaki ku jirin in shisheeyaha uu hunguriyayn doono dalka (bad iyo beri). Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanysa “Walaalo Colloobay, Waraabe Iskama Celshaan.”
W/Q Cabdulqaadir Cariif Qassim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com