Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Mid ka mid ah Masaajidada ugu waaweyn Afrika oo xariga laga jaray (Daawo Sawirro)

Masjidka weyn oo ku yaal caasimadda Senegal ee Dakar oo ku dhawaad toban sanno uu socday dhismihiisa ayaa maanta lagu tukaday salaadii jimcaha ee ugu horeysay.

Kharashka ku baxay dhismaha masaajidka ayaa la filaya inuu ka sare maro 32 Malyan oo dollar, iyadoo ay dhiseen dadka taabacsan dariiqada Suufiyada ee Mouride ee dalka Senegal.

Waxaa uu ka mid yahay masaajida ugu waaweyn galbeedka Afrika, waxaana markiiba ku tukan kara dad gaaraya qaadaya 30,000 qof.

Madaxweynaha Senegal, Macky Sall ayaa lagu wadaa inuu furo munaasabadda lagu daahfurayo masaajidka oo loogu magac daray (Massaalikul Jinaan) oo micnaheedu yahay (Waddooyinka Janada).

Wuxuu leeyahay shan Minaaradood oo lagu dahaaray dahab, waxaana naqshadeeyay Injineer kasoo jeedo dalka Morroco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo ku hanjabtay in jawaab kulul ka bixin doonto dilka Cabbaas Nilforoushan

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Daahfuray Xafiiska la socodka Tacadiyada Haweenka (Sawirro)

Cabdi Cade

Taajir lacag badan ku iibsaday qalab sanado badan kahor dadka lagu dili jiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---