Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay danjire Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqasho uu ku tagay safaarada Dowlada Maraykanku ku leedahay Soomaaliya, isagoo la kulmay safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Kulankan u dhaxeeyay duqa magaalada Muqdisho iyo Ambassador Donald Yamamoto ayaa waxay kaga wada hadleen dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen xoojinta wadashaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo safaarada, Iskaashiga amniga Caasimadda, taageerada mashaariic horumarineed, arimaha barakacayaasha iyo shaqa abuurka.

Safiirka dowlada USA u fadhiya Soomaaliya Amb.Donald Yamamoto ayaa u balan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) in uu maamulkiisa ku garab istaagi doono barnaamij kasta oo lagu horumarinaayo Caasimada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Farmaajo oo maanta ka duceystay qaar ka mid ah shacabka danyarta ah ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay dhigiisa Itoobiya Gen. Birhanu Julla (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Dowladda oo dilay Xubno katirsan Al Shabaab hub iyo gaarina soo qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---