Ka dib markii maanta guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Somalia C/wali Muudey uu shaaciyey in beri la qabanayo kulankii Baarlamanka oo ajendihiisu noqon doono mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamanka Somalia ayaa xildhibaanada taageersan Jawaari waxay caawa ka wadaan magaalada Muqdisho dedaal ay meel marinayaan qorshe ay wataan.
Iclaaminta kulanka Baarlamanka ee beri ayaa ku soo aaday xili maanta  Madaxtooyada Somalia uu kulan uga socday Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari kaasoo looga hadlayey xalinta khilaafka ragaadiyey baarlamanka balse ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Guddi Xildhibaano ah oo uu shalay magacaabay gudoomiye Jawaari ayaa caawa isku dayaya in kulanka beri lagu qabto meel aan aheyn xarunta golaha shacabka oo illaa hadda la og yahay in lagu qaban doono kulanka beri.
Xildhibaanadan ayaa doonaya in kulankaas uu ka dhaco teendhada weyn ee xerada Afisiyooni oo sanadkii hore lagu qabtay doorashadii Madaxweynaha Somalia.
Sida aan wararka ku heleyno xildhibaanadan ayaa xiriiro kala duwan la sameynaya wakiilada beesha caalamka u jooga Somalia si ay uga dhaadhiciyaan iney madaxda sare ee dowlada ku cadaadiyaan in kulanka laga wareejiyo xarunta golaha shacabka oo ay sheegayaan ineysan ku kalsooneyn.
Xubnaha beesha caalamka oo ku jahwareeray khilaafka baarlamanka Somalia ayaa la sheegay iney ka gaabsanayaan dalabka ay wataan xildhibaanada taageersan Jawaari, mana jirto jawaab ay illaa hadda ka bixiyeen.
Dhinaca kale, xildhibaanada mooshinka ka keenay Gudoomiye Jawaari oo caawa kulamo gooni gooni ah ku leh hotelada Muqdisho ayaa isku dhaarsanaya in kulanka beri ay ku ridaan gudoomiye Jawaari si loo afjaro khilaafka jiitamaya ee baarlamanka Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com