Allbanaadir.com
NEWS

Wadooyinka Muqdisho oo caawa mar kale la xiray iyo Xog ku aadan sababta ka dambeysa

Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa caawa la xiray, iyadoo ay taagan tahay cabsida la xiriirta dhibaatada ka dhalan karta kulan mar kale beri la filayo iney iskugu yimaadaan xildhibaanada golaha shacabka.

Boqolaal ka tirsan ciidamada amaanka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa caawa la dhigay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, iyagoo xiray jidadka qaar halka kuwo kalena ay ku howlan yihiin iney xiraan iyadoo laga cabsi qabo falal amaan daro.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka C/wali Muudey ayaa maanta ku wargeliyey xildhibaanada in la qaban doono beri fadhiga Baarlamanka oo ku saabsan ajende la xiriira mooshinka ka yaalla Jawaari.

Dadweynaha magaalada Muqdisho oo dhibane u noqday jidadka la xirayo kuna jahwareeray xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Baarlamanka ayaa jeclaan lahaa iney arkaan ismari waaga taagan oo la soo afjaray, lamana oga in kulanka beri uu so habsami leh u qabsoomi doono iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira Bishar Al-Asad uu ku dhintay shil dayuuradeed?

Caydiid Ali

Dibed baxayaal careysan oo dab qabadsiiyey hoyga Aayatullah Khumeyni (Sawirro)

Caydiid Ali

Dukumiintiyo ay leeyihiin dad Soomaali ah oo laga helay Doon ku caarisay Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---