Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo lagu casuumay Shir muhiim ah oo ka dhacaya Turkiga (Daawo Sawirada)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntlland Axmed Cilmi Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa u ambabaxay Wadanka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qaybgelayaan Shir ku saabsan Maalgashiga Turkiga ee Afrika.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey safarka ay ku aadayaan isaga iyo weftigiisu dalka Turkiga.

“Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba”.

“Wafti baa ila socda oo isugu jira maamulka Puntland iyo Ganacsato oo casuumaad ka helay dowladda iyo Ganacsatada Turkiga. waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Puntland daafaha dunida laga bartay, gaar ahaan Maalgashiga oo runtii aan codsiyo badan ka helayno”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada taala, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalindoonto.

Waftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa Garoonka diyaaradaha Gaaroowe Gen. Maxamed Abshir kusii sagootiyey xubno ka tirsan Goleyaasha maamulka Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil uu dhalay Madaxweyne Paul Kagame oo xil sare loo magacaabay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal saakay dhax maray Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland

Cabdi Cade

Daryeel haloo raadiyo Labada Halyey ee Cabey iyo Maxamed Sheekh (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---