Allbanaadir.com
NEWS

Baaritaano Eeyo loo adeegsanayo oo saakay laga sameeyay xafiisyada xartunta gobolka Banaadir

Amaanka xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa shalay waxaa la wareegay ciidamo cusub oo katirsan booliiska, waxaana ciidankan durba bilaabeen howlgalo baaritaano ah ay ka sameenayaan gudaha xarunta.

Ciidamada birmadka ee la wareegay amaanka xarunta gobolka Banaadir ayaa saakay baaritaano adag ka sameeyay gudaha xarunta gobolka Banaadir gaar ahaan xafiisyada kala duwan ee xarunta ku dhaxyaala.

Qaar kamid ah shaqaaalaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada iyaga oo adeegsanaya eeyo tababaran ay galayeen xafiisyada kala duwan ee xarunta gobolka kuyaala kana sameenayeen baaritaano.

Ciidamada ayaa qol qol u galay xafiisyada xarunta gobolka Banaadir, waxaana eeyaha ciidamada u adeegsanayeen ogaanshaha hadii waxyaabo qarxa iyo hub ku jiraan gudaha xarunta.

Shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale baaritaano adag la marsiiyay markii shaqada soo galayeen, waxaana saakay xarunta gobolka Banaadir ay ka duwaneyd sidii hore maadaama ciidamo cusub amanakeeda la wareegeen si weyna amaanka u adkeeyeen.

Lama oga in baaritaanadan iyo ciidamada cusub ee la wareegay amaanka xarunta gobolka Banaadir ku timid si caadi ah ama uu jiro cabsi amaan, shaqada xarunta gobolka ayaana hada si caadi ah u socota.

Ciidamadii horey u joogay amaanka xarunta gobolka Banaadir ayaa shalay laga wareejiyay labo kadib qaraxii lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka dhacay gudaha xarunta gobolka.

 

Related posts

Heyadda UNHCR oo fulisay codsi kaga yimid 125 Qaxooti Soomaali ah

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse iyo James Swan oo wadahadal Xasaasi ah yeeshay

Cabdi Cade

Nin Xaaskiisa kula taliyay in ay is disho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---