Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isbedel cusub oo lagu sameeyey amniga Xarunta Maamulka gobolka Banaadir

Ciidamo cusub ayaa galabta lagu wareejiyey amniga xarunta maamulka gobolka Banaadir oo labo bilood ka hor uu ka dhacay qarax lagu dilay dad badan oo uu ku jiray guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Marxuum C/raxmaan Yariisow.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii Booliska ee horey ilaalada uga hayey xaruntaas laga wareejiyey, laguna bedelay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa birmadka Booliska.

Sarkaal magaciisa lagu soo koobay C/salaan oo horay amniga xarunta gobolka Banaadir Taliye uga ahaa xilligii Guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la sheegay in haatan mar kale taliye looga dhigay ciidamada sugaya amniga xarunta gobolka.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Max’uud (Filish) waxaa uu ku howlanaa qorsheyaal lagu xoojinayo amniga xarunta dowlada hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Xasan Faarax Salaad oo Muqdisho ku geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Cabdi Cade

Putin oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Go’aano culus oo kasoo baxay Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---