Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Lacagta la siinayo qoysaska dadkii ku dhintay shilalkii Boeing 737 Max oo la shaaciyey

Qoysaska dadkooda ku waayay labadii shil ay diyaaradda Boeing 737 Max gashay ee ka kala dhacay Itoobiya iyo Indonesia ayaa la siinaya lacag magdhaw ah oo ay shirkaddu bixineyso.

Qoys kasta waxaa uu heli doonaa lacag gaareyso $144,500 (Boqol afartan iyo afar kun iyo shan boqol oo dollar) sida lagu sheegay qoraal shirkadu soo saartay.

Lacagtan ayaa ah mid shirkaddu ay qoondeysay taasoo gaareyso 50 Milyan oo doolar, sida ay shaaca ka qaaday shirkadda Boeing bishii July.

Shirkadda ayaa hadda ku howlan raadinta iyo xaqiijinta qoysaska ay ka baaxeen dadkii ku naf waayey shilalkaas, waxaana ka mid ah dad Soomaali ah.

In ka badan 340 qof oo rakaab aha ayaa ku dhintay markii ay burburtay diyaaradda Boeing, shilalkaas oo ka kala dhacay Itoobiya bishii Maarso iyo Indonesia bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax khasaare u geystay raggii aasayey oo ka dhacay Muqdisho & dad caawa la dilay

Caydiid Ali

Dadkii ugu badnaa oo hal maalin u dhintay Cudurka Carona iyo tirada dhimashada oo korortay

Cabdi Cade

Ahlu Sunna oo Gudoomiye Baarlamaan ku dooratay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---