Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Shiikh: “Waa nasiib daro in DF ay Maamulka hawada ku dhibaateyso shacabkeeda”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda maanta ay ku sugan tahay Soomaaliya iyo hab dhaqanka ay la soo baxeen madaxda federaalka.

Waxaa uu cambaareeyey falkii shalay dowladu kula kacday Shiikh Shariif, isagoo xusay inuu ahaa gef sharci daro ah, isagoo tilmaamay Shiikh Shariif uu yahay qof masuuliyad qaran soo qabtay oo naftiisa halis u soo geliyey dowladnimada Somalia, uusana mudneyn in sidaas loola dhaqmo.

Xasan Shiikh ayaa arrin nasiib daro ah ku tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kismaayo la saaro cunaqabateyn, isagoo xusay dowladda dhexe aysan waajibnaadkeeda dasatuuriga ah ku jirin iney shacabkeeda dhibaateyso.

Xasan sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ku eedeeyay inay guud ahaan baalmareen shuruucda dalka.

“Anagaa soo joognay 30 sano oo burbur ah hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka jooga” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Shacabka Muqdisho ayuu sheegay in nolosha ay ku adkaatay ka dib markii Wadooyinka laga xiray, isla markaana hadda ay wajayaan xaalad adag oo ay macquul tahay inay sababto kacdoon dadweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo digniin adag u dirtay Maraakiib iyo Shrikado Shisheeye

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bixinaya kharashka ku baxaya qaadista Imtixaanka Dugsiga sare

Cabdi Cade

Guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee eedeynta Somalia u jeedisay Kenya oo Warbixin soo saaray

Caydiid Ali