Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo soo fara geliyey Xiisada ka dhex aloosan Shiikh Shariif & Madaxda DF

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Max’uud (Filish) ayaa ka hadlay xiisada cirka isku shareertay ee ka dhex aloosan madaxcweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed iyo dowlada Somalia.

Shiikh Shariif oo manta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si kulul u cambaareeyey talaabadii dowladu shalay uga horjoogsatay inuu u dhoofo Magaalada Kismaayo, isagoo xusay in hanaanka dowladu u dhaqmeyso uu halis gelinayo jiritaankeeda.

Guddoomiye Cumar Filish oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa ugu baaqay Shiikh Shariif inuu u hogaansamo awaamiirta dowlada federaalka uuna ka fogaado wax kasta oo abuuri kara khilaaf cusub’

“Waxaan ka codsanayaa Madaxweynihii hore ee dowladii KMG Somalia Mudane Sheekh Shariif Sheekh axmed inuu u hogaansamo awaamiirta dowlada ka muwaadin ahaan, Misane uu ka fogaado wax kasta oo sii hurinaya qilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowlada JFS iyo Dowlada Goboleedka Jubaland” ayuu yiri Cumar Filish.

Dhinaca kale, duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxda dowlada iney wadahadal ku xaliyaan khilaafaadka jira.

“Waxaa sidoo kale ka codsanayaa madaxda qaranka ay khuseeyo arinkan in Wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo khilaafaadka jira sida Jubbaland iyo tan shaqsiyaadkaba si uusan waqti inoogu lumin isjiid jiid dhexdeena ah misana ay hakad u galin u adeega Bulshada iyo qarankaba” ayuu intaas ku daray hadalkiisa

Cumar Filish ayaa xusay in dalkeena Waqti Xaadirkan uusan u baahnayn khilaaf ee uu u baahan yahay xal iyo wadatashi niyad ah taasoo ah buu yiri waajib saaran Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) DF oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay labo degaan oo lagu dilay..

Caydiid Ali

DEG DEG: Diego Armando Maradona oo geeriyooday isagoo 60 sano jir ahaa

Caydiid Ali

Congresska Maraykanka oo ku baaqay cunoqabateyn la saaro Madaxda DF

Caydiid Ali