Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Munaasabadda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu waday in 26-ka bishan lagu qabto magaalada Kismaayo.
Guddiga loo xilsaaray qabanqaabada xafladaas ayaa la sheegay inay dib u dhigeen xilliga xafladdu ay dhaceyso, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin dib u dhaca xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe.
Dib u dhaca ayaa yimid ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay cadaadis xoog leh saartay xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ahna ku soo rogtay magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in muddo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin.
Sababta ugu weyn ee dib dhaca ku keentay xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in ay tahay xayiraada seddaxda maalin ah ee dowladda Soomaaliya saartay duulimaadyada Kismaayo, si wufuuda ka qeyb galaysa ay ugu adkaato iney tagaan magaalada Kismaayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com