Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo Maxkamada ICJ u gudbisay dalab cusub oo ku saabsan kiiska Badda

Kenya ayaa mar kale dib ugu noqotay maxkamadda qaadaysa dacwada badda ee ICJ, iyada oo ka dalbatay in wakhtiga loo kordhiyo, waxayna sheegeen inay ku yartahay 2-da bil ee la siiyey oo ku eg 4-ta November ee sanadkan sida uu qoray wargeyska The Star eek a soo baxa Nairobi.

Kenya ayaa horay ugu hungowday in muranka badda xal looga gaaro meel ka baxsan maxkamadda ay hadda dib ugu laabatay.

Maxkamadda ICJ ayaan weli Soomaaliya soo gaarsiin warbixin la xiriirta dalabka cusub ee Kenya ka yimid

Ma cadda waxa Soomaaliya ka yeeli-doonto haddii la soo gaarsiiyo in Kenya dalbatay waqti ka badan kii ay Maxkamadda qabatay ee 4-ta November ahaa.

Dowlada Kenya oo ka caga jiideysa dacwada Badda ayaa horay maxkamadda uga codsatay 12 bil, hase ahaatee waxaa loo ogolaaday 2 bil oo ah inta u dhaxeysa September 4-November, iyadoo Kenya ay ka niyad jabsan tahay inuu shaqeyn waayey rabiteenkeeda ah in kiiska badda lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamada ICJ.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowlada oo soo bandhigay dagaalame lagu qabtay dagaal xalay ka dhacay Baardheere (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal faraha looga gubtay oo dhexmaray ciidanka Puntland & Daacish

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somalia oo War ka soo saartay kulankii baaqday ee Farmaajo & Biixi (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---