Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Arday ku le’atay markii uu ku soo dumay dhismaha Iskuul ay wax ka baranayeen (Sawirro)

Ugu yaraan Toddoba caruur ah ayaa geeriyooday, 57 kalena way dhaawacmeen kadib markii maanta uu soo dumay iskuul ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Dhismaha ayaa burburay waxyar ka dib toddobadii subaxnimo markaasi oo caruurta ay galayeen fasalladooda.

Taleefishinada gudaha ayaa muujinayey muuqalalda shaqaalaha gurmadka deg degga oo baaraya biraha shubka iyo dhagxaanta burburka iskuulka Precious Talent, islamarkaana marooyin cad ku sida meydad lagu qaaday baabuurta gurmadka deg degga.

“Waxaa jira 57 arday oo dawo loogu qaaday isbitalka, waxaana sidoo kale xaqiijin karnaa dhimashada toddoba qof” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Cyrus Oguna.

Isbitalka Kenyatta ayaa goor dambe barta twitter-ka ku sheegay in 64 arday la keenay isbitalka.

Waxaa buburay dabaqa koowaad ee dhismaha iskuulka, taasi oo caruur badan ku go’doomisay hoostiisa, waxaa sidaas taleefishinka NTV u sheegay xildhibaan deegaan oo lagu magacaabo John Kairie.

Weli ma cadda waxa sababay in iskuulka soo dumo, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa horey uga digay in qiyaastii 30 illaa 40,000 oo dhismo oo Nairobi laga dhisay, ayada oo aanay dowladda fasaxin ay halis ugu jiraan inay burburaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa Maxay Suuqa FOREX Exchange Market? (Taariikhdiisa & sida uu u shaqeeyo)

Caydiid Ali

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal oo war cusub soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo qaraxyo kusoo weerartay Ciidanka Danab ee la wareegay Janaale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---