Allbanaadir.com
NEWS

Xuseen Maxamed Nuur oo kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka uu Guddoomiyaha tagay waxaa ka mid ah Warta-Nabadda, Xamar-weyne, Howlwadaag iyo Hodan, isagoo u kuurgalay adeegyada Caafimaadka, Amniga iyo Waxbarashada iyo sida ay u shaqeynayaan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa warbixino ka dhegeystay masuuliyiinta degmooyinka uu kormeeeray kuwaasoo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay, kuwa aan qabsoomin iyo caqabadaha jira.

Xuseen Maxamed Nuur ayaa inta uu ku guda jiray Kormeerka waxaa uu la kulmay Guddoomiyaasha iyo taliyeyaasha Nabad sugidda degmooyinka oo uu kala hadlay qodobo badan oo khuseeya amaanka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Warqad dardaaran ah oo uu qoray Marxuum Siyaad Barre, wax yar ka hor geeridiisa

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo daahfurtay qorshaha 9aad ee Horumarinta Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo mamnuucay Isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada ,Taabuuga iyo kuwa kale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---