Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur: “Dastuurka qodobkiisa 21-aad ayaa damaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka”

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa cambaareeyay Talaabadii safarkii uu Kismaayo ku aadi lahaa looga joojiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ka waramay halganka siyaasadeed ee uu soo bilaabay Sheekh Shariif, isagoo xusay inuu markii hore halganka uu ka soo bilaabay wiil ardaydiisa ka mid ahaa oo xoriyaddiisa laga qaaday sii deyntiisa, maanta ay joogto in isaga laga qaado xoriyadda socodka.

Qoraal uu siyaasigan ku baahiyey baraha bulshada ayaa sidan ku bilowday:-

Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado.

Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay AMISOM tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay.

Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii waddada ay ku socdaan waa mid horay ka xiran.

Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana uu kan AMISOM yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda AMISOM ayaan leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Deni & Waare oo kulan gaar ah yeeshay, kana heshiiyey madmadow ka dhex jiray

Caydiid Ali

Dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo ku biiray Maamulada federaalka Itoobiya

Caydiid Ali

Ciidan uu watay Jen. Caanood lagu qarxiyey gobolka Shabeelaha hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---