Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif oo maanta Shir jaraa’id oo xasaasi ah ku qabanaya Magaalada Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan jooga magaalada Muqdisho ayaa saacadaha soo socda ee maanta shir jaraaid ku qabanaya hoygiisa.

Warbaahinta gudaha ayaa lagu wargeliyey saaka iney soo xaadiraan shirka jaraa’id, waxaana lagu waddaa inuu ku dhawaaqo go’aankiisa ku aadan xayiraada laga saaray Kismaayo.

Shiikh Shariif ayaa sidoo kale ka hadli doona talaabadii shalay dowlada federaalku ay ugu diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo caleemo saarka Axmed Madoobe oo beri halkaas ka dhacaya.

Siyaasiyiinta mucaaradka, Xildhibaano iyo Madaxweyneyaal hore ayaa cambaareeyey talaabada Shiikh Shariif loogu diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo, iyadoo arintan ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa ka jira in la qabtay nin shalay la sawiray isagoo askari ku dilaya Muqdisho? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo kormeer shaqo maanta sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---