Masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in raali galin goordhaw ugu tageen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta la xanibay diyaarad uu Kismaayo u raaci lahaa.
Sida aan wararka ku heleyno masuuliyiinta dowlada ee goordhaw guriga Sheekh Shariif tagay waxaa hogaaminayay Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, waxaana ku wehliyay xubno kale oo dowlada katirsan.
Masuuliyiintan dowlada ayaa lagu soo waramayaa in guriga Sheekh Shariif u tageen sidii loo dejin lahaa carada iyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xanibaadii maanta dowlada ku sameesay diyaarad uu Sheekh Shariif Kismaayo u raaci lahaa.
Kulamo xasaasi ah ayaa xiligan u socda masuuliyiinta dowlada iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa ayna labada dhinac kawada hadlayeen sidii xaalada loo qaboojin lahaa xalna looga gaari lahaa.
Talaabada maanta dowlada federaalka soomaaliya ku xanibtay diyaarad Sheekh Shariif u raaci lahaa magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhalatay caro xoogan iyo xiisad siyaasadeed, waxaana talaabadan cambaareeyay siyaasiyiin mucaarad ah.