Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Jaamacadda Benaadir oo Xaflad soo dhoweyn ah u sameysay ardayda sanadkan ku biirtay

Xarunta Kambaska Dr. Ibraahim Caddow ee Jaamacada Banaadir oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynayey boqolaal arday cusub oo sanadkan ka mid noqotay ardayda wax ka barata Jaamacadaasi ka dib markii ay ku soo baxeen imtixaankii ogolaanshaha Jaamacada ee dhowaan la qabtay.

Xafladan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay ardayda cusub ee Jaamacada, Macalimiin, Waalidiin, Maamulka Jaamacada Banaadir, Macalimiin ka socotay Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika oo ku taalla dalka Sudan, xubno tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia iyo marti sharaf kale.

Jaaamacada Banaadir ayaa waxaa imtixaankii qubuulka ee sanadkan isku diiwaan geliyey ku dhowaad kun arday oo wixii hadda ka dambeeya si toos ah uga mid noqonaya ardayda wax ka barata 11-ka kuliyadood ee Jaamacadda sida uu sheegay Ismaaciil C/raxmaan oo ah diiwaan hayaha Jaamacada Banaadir oo dhinaca kale sharaxay ardayda shuruucda Jaamacada, xuquuqda ardaydu ku leeyihiin iyo waajibaadka ka Jaamacad ahaan laga laga rabo, wuxuuna waalidiinta ka codsaday iney maamulka u soo gudbiyaan wixii talo iyo tusaale ama cabasho ah oo ay qabaan isagoo balan qaaday in tixgelin buuxda la siin doono wuxuuna ardayda cusub u rajeeyey inuu hamigooda Alle ku guuleeyo.

Gudoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Biday oo Munaasabadaas ka hadlay ayaa ardayda cusub uga mahad celiyey doorashada ay doorteen jaamacada Banaadir qeybaheeda kala duwan.

“Waxaa farxad inoo ah inaan maanta xaflad soo dhoweyn ah u sameyno boqolaal arday oo ka mid noqonaya ardayda cusub ee Jaamacadda Banaadir sanad dugsiyeedka 2019-2020” ayuu yiri Dr. Biday oo intaas ku daray in jaamacada Banaadir lagu bilaabay hal kuliyad sanadkii 2002-dii taasoo ardaydii ugu horeysay ee loo qaatay ay ahaayeen 26 arday, isagoo sheegay in dedaal dheer ka dib ay haatan jaamacadu gaartay heer wanaagsan oo xitaa aqoonyahanadii aasaasay aysan fileynin.

Dr. Biday ayaa ardayda cusub ee Jaamacada Banaadir ku soo biiray faahfaahin ka siiyey marxaladihii ay soo martay Jaamacada iyo guulihii ay ku talaabsatay, isagoo xusay in mudadii ay jirtay ay ka qelin jebiyeen arday kumanaan gaareysa oo bartay culuunta kala duwan ee laga bixiyo Kuliyadaha jaamacada, kuwaasoo maanta ka shaqeeya ayuu yiri heyadaha kala duwan ee dalka, halka qaarkoodna ay waxbarasho sare u doonteen dibeda.

Waxaa uu tilmaamay Gudoomiyuhu in Jaamacada Banaadir ay kambas cusub ka furatay sanadkan magaalada Muqdisho, looguna magac daray Marxuum Prof. Ibraahim Caddow oo ahaa Guddoomiyihii labaad ee soo maray Jaamacadda Banaadir, kana mid ahaa aqoonyahanada dedaalka ku bixiyey sidii jaamacadu heerkan u soo gaari laheyd.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay jaamacada ka qelin jebin doonaan arday fara badan oo wax ka barta kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada, isagoo xusay in Jaamacadu ay sii kordhin doonto dedaalkeeda ku aadan kor u qaadida aqoonta ardayda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Muasasada Tacliinta sare ee Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna u balan qaaday ardayda cusub ee ku soo biirtay jaamacadda iney heli doonaan tacliin tayo sare leh iyo soo dhoweyn wanaagsan isagoo dhinaca kale kula dardaarmay iney ilaaliyaan nidaamka iyo shuruudaha loogu talo galay in lagu Maamulo ardayda Jaamacada.

“Jaamacada waxay degan tahay dhowr kambas labo ka mid ah oo uu ku jiro Kambaskan cusub ayeyna Milkiyad u leedahay, ma jirto cid ka taageertay oo aan ALLE aheyn marka laga reebo oo ardayda oo dakhliga yar ee ka soo xerooda wax looga tashiilay” ayuu intaa ku daray Dr. Bushkuleeti.

Senator Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka saree ee Baarlamanka, kana mid ah aasaasayaasha iyo masuuliyiinta Jaamacada Benaadir ayaa khudbad uu munaasabada ka jeediyey ardayda cusub ku bogaadiyey hamiga ay u qabaan waxbarashada wuxuuna iyaga iyo waalidiintooda uga mahad celiyey doorashada ay doorteen iney wax ka bartaan Jaamacada Banaadir.

“Sadar muuqda su’aal ka dhan, Jaamacadda Benaadir waa Jaamacad laga aqoonsan yahay caalamka, waxaana taas u daliil ah ardaydii ka baxday maanta Jaamacadaha waaweyn ee caalamka ayey taqasusyo ku diyaariyaan, waxaana ardayda cusub leeyahay waxaad heysataan Jaamacad shahaadada aad ka qaadataan ay noqon doonto mid aad u aayi doontaan” ayuu Dr. Dufle oo ardayda cusub ugu baaqay iney ku dedaalaan barashada aqoonta ay jaamacadu bixin doonto si ay mustaqbal wanaagsan u hiigsadaan.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaas hadalo iskugu jiray soo dhoweyn iyo baraarujin ah ka soo jeediyey Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca  Maamulka iyo Maaliyada ee Jaamacada Banaadir Dr. C/raxmaan Xasan Cumar, Macallimiin ka socotay Jaamacadda caalamiga ah Afrika oo ku taalla dalka Sudan, Prof. Axmed Yuusuf Guuleed oo ka tirsan Aasaasayaasha iyo macalimiinta Jaamacada iyo iyo xubno kale.

Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi aad u faarxad badan ayaa intii ay socotay waxaa ardayda qaarkood ay ku soo bandhigeen sugaan kala duwan oo ka turjumeysay qiimaha ay leedahay waxbarashada iyo kaalinta ay Jaamacada Benaadir uga jirto horumarinta tacliinta sare ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo Gudoomiyey kulan deg deg ah oo uu yeeshay Golaha Wasiirada

Caydiid Ali

Nin rakaab ah oo furay albaabka diyaarad hawada ku jirta iyo waxii dhacay !

Cabdi Cade

Digniin culus oo laga soo saaray Tahriibka iyo Mucaaradka Soomaaliya & Somaliland oo u jawaabay Xukumadda Soomaaliya!!

admin
Taboola Ads ---