Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Xuutiyiinta oo hal arin darteyd u joojisay Weerarada ay ku qaado Sacuudiga

Kooxda Shiicada xuuthiyiinta ee dalka Yemen qeybo badan ka mid ah maamusha ayaa shaacisay in ay hakineyso duqeymaha ee la beegsato gudaha dalka Boqortooyada Sacuudiga,kadib weerar khasaaro badan dhaliyay oo isbuucii hore kooxdaasi fulisay.

Mahdi al-Mashat  oo ah Afhayeenka u hadlay Golaha Sare ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa shaaciyay in ay joojiyeen duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaaladii ay ku weerari jireen gudaha Sacuudiga.

Afhayeenka ayaa Go’aanka Xuuthiyiinta ku sheegay inuu yahay mid ay ku doonayaan in wadada uu u furo waan waan iyo xabad joojin ka dhacda dagaalka ka socda Yemen oo ay sheegeen inuu yahay mid burbur ku keenaya dhamaan dhinacyada dagaalamaya.

Mahdi al-Mashat ayaa uga digay Sacuudiga iyo Xulafadiisa dhankooda hadii laga waayo garowsho iyo xabad joojin noocaan oo kale ah inay iyaguna dhankooda sii wadi doonaan isdifaacooda.

Go’aankan kasoo baxay Kooxda Xuuthiyiinta ayaa imaanaya xili kooxdaasi Sabtidii hore ay fulisay weerar lagu qaaday labo xarun oo laga soo saaro shidaalka oo ku yaal Sacuudiga, weerarkaasi ayaana hoos u dhigay shidaalkii uu Sacuudiga soo saari jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddigii qaban-qaabada dibed-baxa Sabtiga oo isku mari waayey hal qodob

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ka digay arrimo lidi ku ah amniga Kismaayo oo laga soo abaabulayo.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Wakiillo ka socday Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---