Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn qaldantay ku laayey shacab 30 ka badan

Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanka uu la damacsanaa dagaal-yahanada Daacish ee Afghanistan, ayaa dishay ugu yaraan 30 qof oo shacab ah, oo ku nasanayey barxad kadib markii ay shaqo ka baxeen, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiil.

Weerarkan ayaa sidoo kale dhaawacay 40 qof, kadib markii si qaldan loola beegsaday beeraley iyo shaqaale soo dhameeyey gurista nooc ka mid ah looska, degaanka Wazir Tangi ee bariga Afghanistan.

“Shaqaalaha waxay shiteen dab, wayna wada fadhiyeen markii diyaaradda drone-ka ay beegsatay” waxaa sidaas yii Malik Rahat oo ka mid odayaasha qabaa’ilka, oo qadka taleefonka kula hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Wasaaradda Gaashaandhigga Afghanistan iyo sarkaal Mareykan ah oo ku sugan Kabul ayaa xaqiijiyey inuu jiro weerarka, hase yeeshee ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha shacabka.

“Ciidamada Mareykanka waxay fuliyeen weerar ka dhan ah argagixisada Daacish ee gobolka Nangarhar” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan Colonel Sonny Leggett.

“Waan ka war haynaa eedeymo la xiriira dhimashada dad aan dagaal-yahanno ahayn, waxaana kala shaqeyneynaa saraakiisha degaanka inaan go’aan ka gaarno xaqiiqada arrintan” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil Soomaali ah oo Afar jeer Qaab adoonimo ah loogu kala iibsaday dalka Liibiya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ee TICAD8 (Sawirro)

Cabdi Cade

Musharax Tuuryare oo gaaray Dhuusomareeb si wayna loogu soo dhaweeyay(Sawiro)!!

admin
Taboola Ads ---