Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir Xasaasi ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

 

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dalka.

Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisada iyo in kaalmada amni ee dowladaha saaxiibka la ah Sooomaaliya loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha dowladda iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, guulna looga gaaro dadaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka ka sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay ciidanka labadii sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayada ciidanka, dalkuna uu leeyahay rejo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah, ayaa wakiillada beesha caalamka u caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo daddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ula wareegi lahaayeen ciidamada qalabka sida, ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay ciidamada qaranka, arrintaas oo fududeysay in deegaanno badan laga xoreeyo argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol bulsho oo dhammeytiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo xariga ka jaray xarun ay baahi weyn u qabeen shacabka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo howlgal ku dilay Sargaal katirsanaa Al Shabaab (Akhriso Magaciisa)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Abdullah Salem una mahadceliyay dowladiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---