Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Saraakiil reer Galbeed ah oo tababar siinaya ciidanka Kumaandooska

Saraakiil iyo tababarayaal reer Galbeed ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa tababar dheeraad ah siiyay ciidamo katirsan kumaandooska dowlada Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in tababar siiyeen ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya, waxa ayna sheegeen howlgalka midowga Yurub in ciidankan yihiin qeybtii afaraad oo katirsan kumaandooska Soomaaliya.

Saraakiisha reer Galbeedka ah ee tababarka siinayay ciidanka kumaandooska Soomaaliya ayaa barayay qaabka meelaha fog wax looga liisho iyo sidoo kale farsamooyin kale oo looga baahan yahay ciidanka gaarka ah.

Ciidanka dowlada Soomaaliya gaar ahana kuwa Danab ayaa tababaro kala duwan ka helaya Mareykanka ,Turkiga iyo sidoo kale Midowga Yurub, ciidankan dowlada loo tababaray ayaana hada howlgalo ka wada qaar kamid ah gobolada dalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya oo maanta la dhaariyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Diblumaasi Mareykan ah oo qirtay in 40-sanno Basaas u ahaa dal Mareykanka cadaw ku ahaa

Cabdi Cade

Ruto: “Uhuru Kenyatta si fiican iiguma hambalyeyn, kumana faraxsana guusheyda”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---