Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haraadiga gantaaladii lagu weeraray Sacuudiga oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Dowlada Sacuudiga ayaa soo bandhigtay haraadiga gantaaladii sabtidii lagu duqeeyay xarumahooda shidaalka, waxaana Sacuudiga shaki galisay in weerarkaasi ka dambeeyeen kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen.

Afhayeenka Militariga Sacuudiga Col.Turki Al-Malki ayaa Warbaahinta usoo bandhigay haraadiga gantaalada weerarka lagu adeegsaday iyo sidoo kale tirada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee weerarkaasi fuliyay.

Col.Turki Al-Malki ayaa sheegay in weerarada loo adeegsaday ugu yaraan 18 diyaaradaha yar yar ee Droneka ah iyo waliba Gantaalada heerka hoose ku duula (Cruise missiles) oo gaari kara illaa 700km.

Afhayeenka ayaa sheegay in la hayo cadeyn muujineysa in gantaaladan aan laga soo tuurin dalka Yemen, waxa uua shaki galiyay sheegashada kooxda Xuutiyiinta oo ku faanay in weerarkaasi iyagu fuliyeen.

Waxa uu soo bandhigay afhayeenka muuqaal kooban oo muujinaya in droneska ka yimaadeen jihada waqooyi ee xarumaha Abqaiq iyo Khurais ee la duqeeyey, waxa uuna sheegin halka weerarka laga soo abaabulay iyo cida rasmiga ah ee ka dambeesay.

Afhayeenka milatariga Sacuudiga ayaa sheegay in hubka loo adeegsaday weerarka lagu qaaday xarumaha saliida Sacuudiga loo adeegsaday hub ay sameysay dowlada Iran oo taageero siisa kooxda Xuutiyiinta.

Dowlada Iran oo lagu tuhmayo in weerarkan gacan ka geesatay ayaa si adag u beenisay in ku lug laheyd weerarka, waxaana weerarkan saameyn balaaran ku yeeshay wax soo saarka saliida Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Halista siyaasad ahaan ugu weyn ee ka taagan Laascaanood waxay tahay..”

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo & Abiy Ahmed oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali

Weerarkii Hotel Cas-caseey oo la soo afjaray & & Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---