Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Amaanka oo fashiliyay Qarax miino oo wado lagu aasay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa fashiliyay qarax miino oo lagu aasay inta u dhaxeysa magaalada iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ciidamada booliiska ku wargaliyeen qaraxan lagu aasay wadada dhinaceeda, waxaana durba goobta qaraxa lagu aasay gaaray ciidamo booliis ah kuwaa oo miinada qarxiyay.

Ciidamada booliiska oo howlgal ka sameeyay goobta qaraxa la dhigay ayaa la sheegay in gacanta ku dhigeen ruux lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay qaraxaasi miino ee wadada dhinaceeda la dhigay.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo taliska booliiska ayaan ka hadln wali qaraxan la fashiliyay ee la doonayay in lagu beegsado gaadiidka ciidanka iyo masuuliyiinta ee mara wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo magaalada Baladweyne.

Related posts

Madaxweyne Deni oo maanta shaacinaya liiska Musharaxiin laga sugaayey

Caydiid Ali

Qatar oo wada Qorshayaal badan oo halis ku ah Soomaaliya Mustaqbalka dhow !!

Cabdi Cade

Sudan oo aqbashay in Maxkamada ICC ku wareejiso saraakiil dambiyo loo haysto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---