Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabuuti oo Kenya ku eedeeysey iney qas & Xasilooni daro ka wado Geeska Afrika

Xukuumada Jabuuti ayaa sheegtay ineysan ka quusan doonin dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya kaga guuleysatay.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxaa aan u baahanahay taageeraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseynaA oo kale inay Kenya dhibaato khatar ah ku heyso Soomaaliya, xaalada u dhexeysa labada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto” ayuu intaas raaciyay isagoo xusay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.

“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba” ayuu yiri Wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe: “Kala duwanaanshaha jira waa in xal deg deg ah loo helaa “

Caydiid Ali

Milatariga gadoodsan oo la wareegay Isgoosyo cusub oo kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Booliiska Kenya oo dilay nin Al Shabaabnimo uga shakiyeen iyo labo caruur ah uu dhalay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---