Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax xooggan oo caawa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka isgoyska Xaaji Baasto oo ku dhow gurigii hore ee shaqaalaha, iyadoo qaraxan jugtiiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad cusub oo caawa la furayay, waxaana xiliga qaraxa uu dhacayay gudaha maqaayada iyo banaankeeda ku sugnaa dad u badan dhalinyaro oo lagu casuumay munaasabada sida dad halkaas ku sugnaa ay inoo xaqiijiyeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday miino la dhigay wadada dhinaceeda oo lala eegtay gaari uu la socday Xildhibaan C/qaadir Carabow oo ka tirsan golaha shacabka, kaasoo la soo werinayo inuu ka badbaaday weerarkan balse ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Gaadiid nooca raaxada iyo tiro Mootooyinka bajaajka ayaa ku gubtay halkaas ka dib markii uu saameeyey qaraxa iyadoo qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee laamiga ku teedsan uu soo gaaray burbur kala duwan.
Goob joogayaal ku sugnaa halka qaraxu ka dhacay oo weerarka ka badbaaday ayaa sheegay iney arkeen meydadka dhowr qof oo uu ku jiray hal askari iyo dhaawaca tiro kale, kuwaasoo isugu jiray dadkii munaasbaada lagu casuumay iyo kuwo wadada marayay.
Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaaxaqiijiyey iney qaadeen meydadka qiyaastii lix qof iyo dhaawaca 10 kale oo u badnaa shacab halkaas joogay, laamaha amaanka weli kama hadlin, mana jirto cid sheegatay inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay al-shabaab
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com