Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Waxyeelo kasoo gaartay Injineer Turki ah oo ka dhacay Duleedka Muqdisho (Sawirro)

Waxaa saakay barqadii wadada isku xarta  Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan agagaarka Jaamacada Shabelle ka dhacay qarax miino oo lala eegtay Injineer ku howlanaa dhisida wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nuuciisu yahay Hilix uu la socday Injineer u dhashay dalka Turkiga, waxaana qaraxa ku dhaawacmay Injineerka Turkiga iyo labo askari oo ilaalo u aheyd.

Sida aan wararka ku helnay Injineerka Turkiga ee qaraxa ku dhaawacmay ayaa kormeerayay shaqada dhismo ee ka socotay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana dhaawaca Injineerka la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxa miino uu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo ay ku qab qabteen dad ay ku tuhmayeen qaraxa in ay ku lug lahaayeen.

Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo miino oo lala eegto gaadiidka ciidanka iyo sidoo kale gaadiidka AMISOM, qaraxyada ayaana mararka qaar waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Galmudug ee degmada Cadaado oo soo saaray amar culus (Akhriso)

Caydiid Ali

Galmudug iyo Xaaf oo heshiis hoose gaaray iyo Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac oo…

Cabdi Cade

Daawo: Qaylo dhaan laga keenay haweeney 8 sano ku fadhisa kursi Xildhibaan & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---