Kulan Saddex geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynayaasha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare & Guddoomiyaha G/Banaadir Cumar Filish ayaa caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo daba socday casho sharaf uu soo qaban-qaabiyay Duqa Muqdisho ayaa la sheegay in looga wadahadlay sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa G/Banaadir iyo dawlad goboledyadaasi maadaama ay soohdimo la leeyihiin caasimada dalka.
Inkastoo aan faahfaahin laga bixin waxyaabaha ka soo baxay kulankan ayaa haddana wararkaa naga soo gaaraya xarunta maamulka gobolka Banaadir waxay sheegayaan in Masuuliyiintan ay ku heshiiyeen iney iska kaashadaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin amniga. horumarka iwm.
Duqa Muqdisho ayaa maalmahaan waday kulamo iyo Shirrar gaar-gaar ah oo uu la yeelanay qaar ka mid ah masuuliyiinta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa u muuqda inuu la soo shir tagay barnaamijyo siyaasadeed oo uu kaga duwan yahay raggii xilkaasi kaga horeeyay, isagoo maalmo ka horna la kulmay xildhibaano ka tirsan kuwa beelaha Hawiye ku metelaya dowlada federaalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com