Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Caan ah oo ka bad baaday qarax la doonayay in lagu dilo

Madaxweynaha dalka Afgaanistan Ashraf Ghani ayaa maanta ka bad baaday qarax la doonayay in lagu dilo, kadib markii weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday goob uu olole doorasho ka waday.

Ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa isku qarxiyay meel ku dhaw goobta uu madaxweynaha Afgaanistaan ka waday ololaha doorasho kuna sugnaayeen dad badan oo taageersanaa.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ismiidaaminta ah ku dhintay 24-qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo badan, waxaana durba masuuliyada weerarka  sheegatay kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta Afgaanistan.

Qarax kale oo khasaaro geestay ayaa saacad kadib sidoo kale ka dhacay magaalada Kaabuul ee caasimada dalka Afgaanistaan gaar ahaan meel aad ugu dhaw safaarada Mareykanka ku leeyahay Kaabuul.

Qaraxyadan maanta ka dhacay magaalada Kaabuul ayaa imaanaya xili uu fashilmay heshiis la filayay in ay gaaraan kooxda Taalibaan iyo dowlada Mareykanka, waxa ayna kooxdan ku hanjabtay in weeraro kale oo hor leh ay geesan doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Brussels iyo xog ku aadan Ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade

Al-shabaab oo joojisay dhismayaal ka socday Muqdisho & DF oo si kulul uga hadlay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bixinaya kharashka ku baxaya qaadista Imtixaanka Dugsiga sare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---