aGuddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliua C/weli Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay in maalinta Berri ee Isniinta ah uu jiro kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Baarlamaanka.
Farriin uu u kala diray goor dhoweyd xildhibaannada ayuu ku sheegay in Ajendaha fadhiga uu yahay mooshinkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga keenay oo loo codeynayo.
Waxaa farriintan ay ku soo beegantay iyadoo 48-kii saac ee uu danbeeyay ay socdeen wadahadalo lagu doonayey in xal loogu helo mooshinka Jawaari.
C/wali Muudey iyo xildhibaanada diidan Jawaari ayaa la sheegay iney dhaliilsan yihiin waan-waanta socota ee ay wadaan madaxda sare ee dowlada taasoo ay u arkaan mid waqti lumis ah oo aan loo baahneyn.
Fariinta oo dhinaca telefoonada loo mariyey xildhibanada baarlamanka ayaa u qorneyd sidan:-
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com