Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Banaan bax looga soo horjeeday Shirkii Dib u heshiisiinta Galmudug oo la dhigay (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaan bax looga soo horjeeday shirkii dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug ee lagu soo xiray magaalada Dhuusomareeb.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa kasoo horjeeday shirkaasi ka dhacay magaalada Dhuusomareen iyo natiijada kasoo baxday, waxa ay sidoo kale kasoo horjeedaan doorashooyinka dhawaan la filayo in ay ka dhacaan Dhuusomareeb.

Qaar kamid ah Odayaashii iyo dadkii kale ee ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan shirka ka dhacay Dhuusomareeb, waxa ayna cadeeyeen in aysan aqoonsaneyn waxii kasoo baxay shirkaasi.

Waxa ay sidoo kale dadkii ka hadlay banaan baxa ka codsadeen Madaxweyne Farmaajo in uu cadeeyo maqaamka magaalada Cadaado uu horey uga dhigay in ay tahay xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Odayaasha ka hadlay banaan baxa qaarkood ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ku dhaliilay balan xumo, waxa ayna ka codsadeen Madaxweynaha in Cadaado maqaamkeeda kusoo celiyo laguna qabto doorashooyinka Galmudug.

Banaan baxan maanta ka dhacay magaalada Cadaado ayaa imaanaya xili xalay magaalada Dhuusomareeb Madaxweyne Farmaajo kusoo xiray shirkii dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ka socday.

Related posts

Musharax Khayre oo hal arrin ku amaanay Raisul Wasaare Rooble, kuna baaqay..

Caydiid Ali

Bangiga Dhaxe oo amar ku bixiyay in la qaato lacagta 50-ka Dollar

Cabdi Cade

Ogow Xiriirka ka dhaxeeya Shirkadaha Maalgashiga iyo Faragalinta Shisheeye ee Dalalka soo koraya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---