Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dil ka dhacay xarun ay degan yihiin heyado caalami ah oo ku taalla Boosaaso

Askari ka tirsan ilaalada ciidamada gaarka ee hay’adaha caalamiga ah ee magacooda loo soo gaabsho (SPU) ayaa toogasho ku dilay askari kale oo isla ciidankaas ka tirsanaa.

Dilka ayaa dhacay xili ay askarta ku sugnaayeen xarun ay degan yihiin dhawr hay’adood uu ku taalla Magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay VOA.

Lama oga sabata ka dambaysay in askarigani uu dilo askariga kale ee ay hal goob ka wada shaqaynayeen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Xuseen Cali Maxamed ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, isla markaasna ay baari doonaan sababta askarigani uu dilka u gaysatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Laftagareen oo dayuurad ku tegay degmo ay go’doomisay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo la kulmay Waxgarad ka soo jeeda gobolka Awdal (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Ciidamo Kenyan ah iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---