Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada aqal oo lagu kordhiyey lix xubnood oo metelaya..

Guddigga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kordhiyey tiradiisa iyadoo lagu daray lix xubnood oo cusub.

Xubnaha Guddigan oo ka kala yimid labada aqal ayaa koobnaa 10 xubnood waxaana markii dambe maamul goboleedyada dood ka keeneen inaan lagu metelin taasoo sababtay in lagu kordhiyo lix xubnood oo ay soo magcaabeen Maamul Goboleedyad dalka iyo G/banaadir.

Guddoomiyaha Gudigga dib u eegista dastuurka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa shaaciyey in Guddiga lagu daray lix xubnood oo ay iska soo xuleen lixda maamul goboleed.

Xildhibaanada ka tirsanaa xubnaha guddigan oo horeyba uga soo kala jeeday maamul goboleedyada dalka ayaan la ogeyn ogeyn sababta kaliftay in dowlad goboleedyadu ay guddigan ku yeeshaan xubno iyaga toos u metelaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal khasaare geystay oo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DF (Maxaa sababay)

Caydiid Ali

Maxkamad ku taala Mareykanka oo si cad u diiday dalab ka yimid Madaxweyne Biden

Caydiid Ali

Waa kuma Cabdiweli Max’ed Yuusuf oo Mareykanku xanibaad ku soo rogay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---