Allbanaadir.com
NEWS

Ibraahim Dheere oo Codsaday in Soomaaliya laga cafiyo Deynta lagu leeyahay (Daawo Sawirro)

Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane
Ibraahim Cuar Mahadale (Ibrahim Dheere) ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Gudoomiye Ibraahim Dheere oo shirka ka jeediyay khudbad ayaa ka hadlay horumarka dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee xiligan ka jira Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ibraahim Dheere oo shirka deyn cafinta ee ka dhacay magaalada Adis Ababa ku matalay Gobolka Banaadir ayaa codsaday in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu leeyahay si Soomaaliya horey ugu sii socoto dhinaca horumarka.

Shirkan deyn cafinta Soomaaliya waxaa soo Qaban qaabiyay Hay’ada IMF, EU  iyo World Bank, waxaa shirkan ka qeyb galay Wasiirka maaliyada ee Dowlada Federalka , Wasiirada Maaliyada ee maamul Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin fududeeyay Qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho oo saakay la toogtay

Cabdi Cade

Rasaas caawa isqabsatay Muqdisho, markii uu dhamaaday muddo xileedkii Farmaajo

Caydiid Ali

Wasiir Goodax oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan bangiga Adduunka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---