Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsan Ilaalada Madaxtootada Soomaaliya oo galabta lagu dilay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa galabta agagaarka Isgooska Sanca ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen sargaal katirsan ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaan Koofiyo gaduud.

Sida aan wararka ku helnay sargaalka la dilay oo labo Xidigle ahaa ayaa xiliga la dilayay watay mooto nuuca dhug dhugleyda ah, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday ragii hubeesnaa ee dilka fuliyay.

Al Shabaab ayaana durba sheegatay masuuliyada dilkan galabta magaalada Muqdisho loogu geestay sargaalkan katirsanaa ilaalada xarunta Madaxtootada Soomaaliya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi Deeq.

Laamaha amaanka magaalada Muqdisho ayaan ka hadlin dilkan loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana dilkan imaanayaa xili maalmihii lasoo dhaafay soo hagaagayay amaanka Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

FBI oo baaritaan xasaasi ah ka bilowday hoyga Madaxweyne Biden (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaali gaari ay wateen lagu qabtay Walxaha Qarxa oo lagu xiray dalka Uganda

Cabdi Cade

Sababaha Sacuudiga u fududeeyay Martigelinta shirka nabadda Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---