Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Faahfaahin: Kooxo hubeysan oo saddex qof ku dilay degmada Belad-xaawo

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya masuuliyiin kala duwan oo xalay lagu dilay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.

Masuuliyiintan oo ka kooban labo nin iyo haweeney ayaa waxaa siyaabo kala gooni ah ugu dilay degmada dabley hubeysan oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Dadka la dilay ayaa kala ahaa Cabdi Cali Keynaan oo qaabilsanaa waaxda Maaliyadda degmada, Xuseen Shariif Cabdulle oo ahaa Gudoomiye Waaxeed iyo Xabiibo Cabdiraxman Cali (Ladan) oo ka mid aheyd Ururka Haweenka Maamulka Jubbaland.

Dilalkan ayaa si weyn looga hadal hayaa saaka degmada B/xaawo iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo, iyadoo ciidamada amaanka degmada B/xaawo ay wadaan howlgalo xoog leh oo lagu soo qabqabtay dhalinyaro fara badan oo looga shakisan yahay iney ku jiraan raggii wax dilay.

Maamulka degmada B/xaawo ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilalka ka dhacay xalay degmadaas oo ahaa kii ugu darnaa ee mar kaliya degmadaas loogu geysto sadex masuul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqor caan ah oo ragga ku nool dalkiisa ku soo rogay amar yaab leh

Caydiid Ali

Dad careesan oo saakay Banaan bax ka dhigay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Gabar Muqdisho lagu kufsaday Kadibna Dabaqa Hotel laga soo tuuray !!(Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---