Allbanaadir.com
NEWS

Cumar Finish oo la kulmay Siyaasiyiin ku mashquulsan raadinta Maqaamka Muqdisho (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Finish) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada uu la kulmay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu kamid ahaa Cabdiqaadir Cosoble ayaa ku caan baxay raadinta Maqaam gaar ah ee yeelatao magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka dhax maray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo siyaasiyiinta ayaana la shaacin waxyaabihii looga hadlay, waxaana xubno ka qeyb galay kulanka laga soo xigtay in uu ahaa mid iswareysi ah sidoo kale wax la iska weediiyay sida lagu heli karo Maqaamka Muqdisho.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadira ayaa la sheegay in Siyaasiyiinta uu la kulmay u sheegay in kulamo kale yeelan doonaan iminkana uusan ka hadlin karin maqaamka Muqdisho iyo arimo la xariira maadaama uu wali cusub yahay.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble iyo Xildhibaanada wehliyay qaarkood ayaa dadaal badan ugu jira in magaalada Muqdisho yeelato Maqaam gaar ah , waxaana raadinta Maqaamka Muqdisho soo socotay sanado badan iyadoona aysan wali suurto galin arintaasi.

Related posts

Benjamin Netanyahu oo diiday inay Falastiiniyiintu maamulaan Gaza dagaalka kadib

Cabdi Cade

Mareykanka oo dacwad ku soo oogay Senator loo heysto dil loo geystay Madaxweyne

Caydiid Ali

Sawirada Ra’isul Wasaare Kheyre oo lagu dhajiyay Wadooyinka Baydhabo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---