Allbanaadir.com
NEWS

Kiimiko lagu weeraray Magaalada Douma & dad ku dhow boqol qof oo ku le’day (Daawo Sawirro)

Howlwadeenada caafimaadka ayaa sheegaya in ugu yaraan 80 qof ay ku dhinteen weerrar looga shakisan yahay inuu kiimiko ahaa oo lagu qaaday magaalada Douma ee Siiriya ku taalla oo ay fallaagadu ka taliso.

Weerrarka ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo la sheegay in magaalada ku duqeeyeen barmiillo ay ku jiraan suntan kiimikada ah

Kooxda iskood isku abaabushay ee gurmadka degdega ee loo yaqaan White Helmets ayaa waxa ay barteeda Twitterka soo dhigtay sawirro muujinaya dhowr mayd oo yaal dhul dhaca hoose guryo halkaas ku yaal.

Waxa ay kooxdaasi sheegtay in tirada dadka weerrarkaasi ku waxyeeloobay ay u badan tahay inay sare u kacdo.

Dowladda Suuriya ayaa eedaha ah in ay qaadday weerrar weerrar kiimiko ah waxa ay ku tilmaantay mid been abuur ah oo la buunbuuniyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inay si dhaw ula socoto waxa ay ku tilmaantay “warar murugo leh”, iyadoo sheegtay in Ruushka oo ka garab dagaalamaya ciidammada dowladda Suuriya, uu qaadi doono mas’uuliyadda haddii weerrarkaasi lagu adeegsaday hubka kiimikada ah ee sida daran wax u laaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Meydka Askari Muqdisho lagu dilay bil ka hor oo aan weli la aasin (Sababta)

Caydiid Ali

(Sawirro) Cali Guudaale oo la kulmay Maamulka Shirkada dhiseysa Laamiga Muqdisho & Jowhar

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo lagu riday 14-nin oo katirsan kooxda Al Shabaab (Magacyo +Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---