Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Amar ka soo baxay taliska Booliska Puntland oo ka dhaqan galay Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa si weyn amnigeeda loo xoojiyey, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in halkaas lagu qabto shirweyne looga hadlayo maalgeshiga.

Waxaa Magaalada Garowe ka dhaqan galay awaamiir ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska ee Maamulka Puntland kuwaasoo la xiriira xaqiijinta amaanka.

Waxaa ka mid ahaa awaamiirtan inaan wax hub ah lagu dhex wadan Karin bartamaha Magaalada marka laga reebo ciidanka amaanka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Garoowe iney la shaqeeyaan ciidanka Booliska, isagoo ilaalada la socota masuuliyiinta ku sugan Garoowe ka codsaday iney aqoonsigooda tusiyaan ciidanka amaanka marka la weydiiyo si loo hubiyo.

Garowe ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu amniga fiican Somalia, waxaana magaaladaas oo xarun ah u ah maamulka  Puntland aad ugu yar falalka amni darada ah sida dilalka iyo qaraxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Fatuma Issaq oo ka shaqeysay in Haweenka Muslimiinta ee ku jira Milatariga K/Afrika loo ogolaado Xijaab

Cabdi Cade

Xiliga la galayo Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlad Carbeed oo War kasoo saartay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---