Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar uu dhalay Boqor Salman oo Xabsi lagu xukumay iyo dambiga lagu helay oo la shaaciyay

Gabar uu dhalay Boqorka Dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Xassa Bint Salmaan ayaa Maxkamad kutaala magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska waxa ay ku xukuntay Xabsi iyo in ay bixiso ganaax lacageed oo badan.

Xassa Bint Salmaan oo 43 sano jir ah ayaa Maxkamada iyada oo dibad joog ah ku heshay dambi ah in waardiyaheeda gaarka ah ku dalbatay si uu u garaaco nin ka shaqeeya cilad bixinta tubooyinka oo u dhasha dalka Masar.

Ninkan ayaa la sheegay in Amiirada sawiro kaga qaaday gurigeeda dhaxdiisa, waxa ayna Amiirada oo arintaasi ka carootay ninkaasi ku dalbatay in uu garaaco nin iyada u ah waardiye gaar ah.

Ashraf Ciid,oo ah ninka jirdilka loo geestay ayaa sheegay in waardiyaha amiirada markii uu garaacay kadib ku qasbay in uu dhunkado cagaheeda, waxa uu sidoo kale  beeniyay in uu Amiirada sawirayay balse sheegay in uu sawiray kaliya qolka qubeyska uu shaqo ka hayay.

Maxkamada Paris ayaa Amiirada Sacuudiga ku heshay dambi ah in ay gacan ka geesatay jirdil iyada oo adeegsaneysa hub sidoo kale ku dhaqaaqday fal afduub ah oo loo geestay ninka gurigeeda lagu jir dilay.

Gabadha uu dhalay Boqorka Sacuudiga Xassa Bin Salman ayaa lagu xukumay 10-bilood oo xarig ah iyo in ay bixiso ganaax lacageed oo dhan 10,000 Euro, waxaa sidoo kale waardiyaheeda lagu xukumay isna 8-bilood oo xabsi ah iyo 5000 Euro oo ganaax ah.

 

Related posts

Xogta kulan uu ka qeyb galay Raisul Wasaare Xamse oo ka dhacay Xalane (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo la kulmay Agaasimayaasha Wasaaradaha Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab ee Magaalada Marko oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---