Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhismaha Hotelka ugu casrisan Muqdisho oo heer gebogebo ah maraya (Daawo Sawirro)

Waxaa heer gebogebo ah maraya dhismaha hotelkii ugu casrisanaa abid ee laga dhiso caasimada iyo guud ahaan dalka, kaasoo laga hirgelinayo gudaha garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Hotelka ayaa haatan la taagay, waxaana dhismihiisa loo adeegsanayaa qalab casri ah oo dibeda laga keenay, isagoo yeelan doona muuqaalka iyo Standard-ka ama darajada hotelada ugu casrisan caalamka ee loo yaqaano Five star.

Mashruucan oo ay ku baxeyso malaayiin dollar ayaa waxaa dhismihiisa fulinaya shirkad Turki ah oo u dhiseysa habka casriga ah ee loo yaqaano (Steel Structure) wuxuuna socday dhismihiisa muddo labo sanadood ka badan.

Waxaa la qorsheynayaa in dhismaha hotelkan uu soo gebagaboobo dabayaqaada bisha soo socota ee Oktoobar sanadkan 2019-ka, wuxuuna ka kooban yahay 5 Dabaq iyo 115 qol oo isugu jira qolalka jiifka, hoolalka shirarka iyo seminaarada, baarar casri ah iyo goobaha lagu nasto.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA HOTELKA

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caqabad soo wajahday Weerarkii Israel ku qaadi laheyd Iran

Caydiid Ali

Somaliland oo ku dhawaaqday inuu fashilmay shirkii maanta ka furmay Jabuuti

Caydiid Ali

Qarax Masuul hore uu ku dhintay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade