Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay gudiga dib-u furista wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho taasoo ay baahi weyn u qabaan shacabka caasimadda.
Gudigaan la magacaabay waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Mohamed Tuulah, wuxuuna ka shaqeyn doonaa talo bixinta qaabka ugu haboon ee loo furi karo jidadka dhagxaanta lagu xiray ee magaalada Muqdisho.
Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa 29 bisha August 2019 balan qaaday inuu dib u furi doono wadooyinka Muqdisho ku yaalla ee xiran, waxaana indhaha lagu hayaa sida uu balan-qaadkaas u fuliyo.
HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIGA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com