Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo sheegtay iney xadka Somalia ku qabatay ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.

Raggan ayaa la qabtay xili ciidammada dalkaas ay howgallo ka sameeyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya.

Dagaalyahano taabacsan ururka IS ayaa ka dagaallama dalka Soomaaliya balse waa markii ugu horreysay ay Itoobiya qabato xubno ka tirsan ururkaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya, Colonel Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in tiro kamid ah ragga la qabtay ay ka kala soo jeedaan dalalka Suuriya iyo Yemen halka ay qaar kamid ah ay yihiin Itoobiyaan.

Sarkaalka ma uusan sheegin tirada shakhsiyaadka ay qabteen ee ka tirsan ururka IS.

Tesfaye Ayalew waxaa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay leedahay sirddoon xoog leh isla markaasna ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalka deriska ee Soomaaliya taasoo u horseeday inay ku guuleystaan xiridda xubnahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Caro ka dhalatay masuuliyiin dukaameysanaya oo loo xiray Jid ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Diyaarad ka duushay Muqdisho oo xalay ka degi weysay Garawe iyo hal Arrrin oo sabab u noqotay

Cabdi Cade

Dagaal khasaaro sababay oo maanta ka dhacay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---